Friday, September 12

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir-guddoomiyey kulan ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee dhinaca ammmaanka iyo la-dagaallanka argagaxisada kaas oo ay kasoo qeyb galeen wakiillo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay isku diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka, isagoo dalbaday isku-xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah.

Sidoo kale, waxa uu xusay in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hortago maalgelinta argagaxisada.

Safiirka Djibouti ee Addis Ababa, Cabdi Maxamuud Heybe, oo hoggaaminayay xubnaha ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in ay la garab taagan yihiin xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed taageero buuxda.

Exit mobile version