Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Fiona Lortan iyo saraakiil ka tirsan hawlgalka ATMIS.
Wafdiga Midowga Afrika ayaa xog ka siiyay ra’iisul wasaaraha hawlgalka ciidamada ATMIS iyo wakhtiga kala guurka ee loo dejiyay in ciidanka Soomaaliyeed guud ahaan la wareegaan amniga dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhanka kale la wadaagay wafdiga Midowga Afrika ka socday in xukuumaddiisu ay ka shaqeyn doonto xasilooni siyaasadeed iyo mid amniba, isla markaana ay ahmiyadda koowaad siin doonto amniga iyo sidii waddanka nabad waarta loogu soo dabaali lahaa.
Maxamed Xuseen, Hortabin Media