Thursday, September 11

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo kulan la qaatay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay doorka ay haweenka ku leeyihiin xoojinta dowladnimada, nabadda, dib-u-heshiisiinta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada.

Kulankan oo qeyb ka ah kulamo wadatashi ah oo Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, si tallooyin kooda loogu kaabo dhismaha dowladnimada ayuu ra’iisil wasaarihu ku amaanay haweenka Soomaaliyeed, sida waddaniyadda leh ee ay ugu taagan yihiin horumarinta dalka, ka shaqeynta danta guud iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Maxamed Xuseen, Hortabin Media

Exit mobile version