Thursday, September 11

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay shir madaxeedka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Afrika oo ka furmay dalka Masar.

Shirkan oo maanta si toos ah uga furmay magaalada Sharma El Sheikh ee dalka Masar, ayaa waxaa diirada lagu saarayaa isku dabaridka maalgelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, si ay door muhiim ah uga qaataan dadaalada la xiriira saameynta isbeddelka cimilada.

Qoraalka kooban ee ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xamse Cabdi Barre uu ka qeyb galayo dood cilmiyeed ku saabsan caqabadaha Afrika ka heysta qaab dhismeedka dhaqaalaha, waxaana doodaasi uu kala munaqashoon doonaa madax ka tirsan kuwa dalalka qaarada Afrika ku yaalla.

Inta uu Masar ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sidoo kale waxaa la filaya inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi, isagoo uga warami doona halka ay mareyso xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo dhaqaalaha.

Exit mobile version