Friday, September 12

Ra’iisul Wasaaraha JFS Md. Xamse Cabdi Barre ayaa galabta ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada oo ka kooban 26 wasiir, 24 wasiiru dowle iyo 25 wasiir ku-xigeeno.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golaha wasirrada ee uu soo dhisay uu ku soo xulay aqoon, karti, waaya-aragnimo iyo in ay ka go’an tahay, wax ka qabashada arrimaha abaaraha, amni darrida, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo lagu shaqeynayo halku dhegga Madaxweynaha JFS ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlaya munaasabadda magacaabista golaha wasiirada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha xukuumadiisa oo qaadatay muddl bil ka badan uu la tashiyo kala sameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sidoo kale madaxda ugu sareyso ee qaranka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha JFS, Guddoonka iyo xildhibaannada labada aqal.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambeyn ka codsaday xildhibaannada baarlamaanka in ay ansixiyaan xukuumadda cusub howlaha hortabinta u leh qaranka horay loogu sii wado.

Maxamed Xuseen, Muqdisho

Exit mobile version