Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa oo maanta hadlay ayaa damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ku tilmaamay mid waali ah, oo fajac ku abuuray guud ahaan Duinada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ay adag tahay suuragalnimada inuu fulo damacooda, kaas oo uu sheegay in ay fashilin doonaan dadka Soomaaliyeed, oo ay arintan u cuntami weysay.
Xamse Cabdi Barre ayaa soo hadal qaaday in damaca Itoobiya ee ku aaddan hanashada Soomaaliya uu soo bilawday waqti dheer, wuxuuna ku macneeyey mid laab lakac ah.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland, waxa ay si adag uga hadlayeen damaca Itoobiya, kaas oo si cad uga soo horjeesteen, waana arrin wax u dhibi karta xasiloonida gobolka.