Saturday, September 13

Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya  Xamse Cabdi Barre ayaa wareegto uu soo saaray maanta waxa uu  xilka kaga qaaday labo ka mid ah Golihiisa Wasiirada oo Xildhibaano ahaa, waxaana uu ku bedelay labo kale oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirka beeraha iyo waraabka u magacaabay xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, isagoo xilkaasna ka qaaday Xildhibaan Axmed Madoobe Nuunow.

Ra’iisul wasaaruhu waxa uu sidoo kale wasiirka howlaha guud u magacaabay Xildhibaan Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, waxaana jagaadaasi laga qaaday Xildhibaan Ismaaciil Sheikh Bashiir.

Af-hayeenka xukuuumada soomaaliya farxaan maxamed jimcaale ayaa warbaahinta u aqriyey wareegtada ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaraaha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaanan magacaabistiisa ku soo darin 3 wasiir oo ka dhimanaa golaha xukuumadda kuwaas oo sababo kala duwan u baneeyey xilalkooda waxana kala yihiin wasiirkii wasaarada amniga oo ay dowladdu hore ugu magacawday safiirka soomaaliya ee dalka qatar, wasiirkii arimahaha dibada oo isku casilay sababo ku aadan inuu u loolamo hoggaanka madaxtinimada dowlad goboleedka Puntland iyo ugu danbeyntii jagadii wasiirka wasaarada haweenka oo ay ka geeriyootay alle ha u naxariistee xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Exit mobile version