Monday, September 15

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda   Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha  KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiye Firdhiye  warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee  jira lagu xalliyo  wada-hadal.

Exit mobile version