Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kaga qayb galaya Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika, ayaa kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey Jaaliyadda guulaha Xukuumadda #DanQaran ee ku aadden dowlad-dhiska Soomaaliya, dib-u-xoreynta dalka, deyn cafinta, kobcinta dhaqaalaha, arrimaha horumarinta bulshada, shaqo abuurka dhallinyarada iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa, isaga oo ku bogaadiyey doorkooda ku aadden horumarka dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka dhageystay xubnaha Jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalka Tanzania iyo doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka.
Dhankooda, Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Tanzania oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay sida ay isugu duuban yihiin, islamarkaana ay wada-shaqeynta dhow ula leeyihiin Safiirka Soomaaliya u fadhida dalkaas Marwo Sahra Cali Xasan iyo guud ahaan Safaaradda.
TRENDING
- QM oo $10 milyan ugu yaboohday Soomaaliya
- Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga dhexe oo maanta ka furmay Muqdisho
- Saciid Deni oo daah furay kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland
- Qodobada ilaa iyo iminka ay ku heshiiyeen Iran iyo Mareykanka
- Maxaa ka dhalan kara safarka Cirro ee Israa’iil?
- Omar Artan: From Visa Denial to Hero’s Welcome in Mogadishu
- Koonfur Afrika oo soo saartay tallaabooyin looga hortagayo Muhaajiriinta
- Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta xiriirkooda
