Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.
Saddexda mashruuc ee maanta la daah-furay oo kala ah; XALDOON, NEGAAD iyo SEPOW, ayaa looga golleeyahay in wax looga qabto saameynta uu isbeddelka cimilladu ku yeeshay baracayaasha ku nool Soomaaliya, La-qabsiga Isbeddelka Cimillada iyo Xalka waara ee dadka ku dhaqan Dooxada Wabiga Shabeelle ee uu saameeyay barakaca iyo xoojinta ka qeyb-qaadashada Horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Dumarka Jubaland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey hey’adaha iyo dowladaha mashaariicdani ka taageeraya Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee El-nino.
Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo barmaanijyada xalka waara u noqon kara dhibaatooyinka soo noq-noqda ee dalkeenna saameeya.
Munaasabadda daah-furka mashariicda, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Wasiirro ka socday Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Danjiraha Midowga Yurub iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya.
TRENDING
- SOOMAALIYA: Qiimaha shidaalka oo weli cirka ku jira, xilli uu qiimihiisu hoos u dhacay!!
- Pakistan oo howlgalo ka fulisay xadka ay la wadaagto Afghanistan
- Golaha khubaradda Iran oo fatwooday dilka Trump iyo Netanyahu
- Nicolás Maduro oo ka hadlay xaaladda Venezuela Xilli uu weli u xiran yahay Mareykanka
- Midawga Yurub oo Walaac ka muujiyey Xiisada gobolka Tigreega
- Maxaa ka soo kordhay Is-afgaradka ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Iran?
- Wadamada Ajiibay Baasaboorka Soomaaliga
- Khasaaraha ka dhashay dhulgariir ku dhuftay Venezuela
