Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay muhiimada uu xilligan leeyahay qabyo tirka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in dhameystika dastuurka ay ku xiran yihiin arrimo badan oo muhiim ah, kuwaas oo kaabaya dowladnimada Soomaaliya.
Xamse Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay arrin ceeb ku ah Soomaaliya, in aanu waqtigan dhameystirneyn dastuurkeeda, wuxuuna soo jeediyey in la dar dar geliyo howlaha la xiriira dhameystirka dastuurka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinacyada tabashada qaba ugu baaqay in ay yimaadaan miiska wada hadalka, si ay u qaataan doorkooda, wuxuuna tibaaxay in aan loo joojin doonin cidii soo xaadiri weysa.
Madaxda ugu sareysa dalka ayaa xilligan waqti badan galinaya howlaha la xiriira wax ka baddelka Dastuurka, kaas oo iminka horyaala labada aqal ee Barlamanka, inkastoo lagu kala aragti duwan yahay.