Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay munaasabada xuska 25-guuradii ka soo wareegtay markii la aas aasay dalada FPENS ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad uu uga hadlayey kaalintii ay FPENS ku lahayd dib u soo nooleynta hanaanka waxbarashada dalka.
Xamse Cabdi Barre ayaa horeyn sheegay in aas aaskii FPENS uu ku soo aaday waqti muhiim ahaa oo si aad ah loogu baahi qabay tacliinta, taas oo ka dhigan inay ciyaaren doorkii dowladnimo.
Ra’iisul wasaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in howlaha waxbarashada FPENS ay wax badan ka badeleen nolosha qoysas iyo ubad badan oo Soomaaliyeed, maaddaama tacliintu ay la falgasho heerarka nololeed ee bulshada.
Ugu danbeyntii Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay in ay ahmiyad siiso waxbarashada, wuxuuna ballan qaaday in ay hirgalin doonaan dugsiyo lagu barto farsamada gacanta, kuwaas oo qeyb ka noqonaya dadaalada lagu tayeynayo waxbarashada dalka.