Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku dheeraaday ka hadalka amniga Muqdisho, kaas oo uu xusay in wax weyn laga qabtay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in amniga magaalada uu soo hagaagayo, isagoo arrintaasi ku amaanay ciidamada amniga lagu wareejiyey.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga hortagay waxyaabihii dhaawacayey anshaxa diinta sida maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, waxaana la xiray hotelo ay dhallinyaradu ku isticmaali jireen waxyaabaha maanka dooriya.
Xamse Cabdi, ayaa lagama maarmaan ku tilmaamay soo celinta bilicda Caasimada, taas oo uu sheegay in ay kaabeyso dowladnimada.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aaddaya, xilli amniga Muqdisho uu soo hagaagayo, wallow shalay ay magaalada ka dhaceen falal amni darro, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan.