Monday, September 15

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray Dalka Jabuuti, halkaas oo uu u tagay qorshayaal kala duwan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Jabuuti uga qeyb galaya shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage, oo ka qabsoomaya dalkaasi, kaas oo sidoo kalana sanadkii la soo dhaafay isla dalkaasi ka qabsoomay.

Shirkan ayaa sida la sheegayo looga hadli doonaa, arrimo la xiriira nabadeynta geeska Afrika iyo sidii lagu xaqiijin lahaa nabada ka soo bidhaameysa Soomaaliya.

Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb gali doona siyaasiyiin iyo aqoonyahano fara badan, kuwaas oo lafa guri doona doodaha ku aaddan nabadeynta geeska Afrika.

Exit mobile version