Monday, September 15

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa  magaalada Doha ee dalka Qatar, kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu halkaas tababar uga soconayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Saraakiisha rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Qatar uga mahad-celiyey taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda saraakiil tayo sare leh oo kamid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah wadamada Soomaaliya ka taageera dhanka tababarada ciidamada iyo saanad siintaba, waana qeyb ka mid ah qroshaha ay Qatar ku taageereyso xoojinta ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya.

Exit mobile version