Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo ah mid lagu difaacayo diinta iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
“Markii dalku halis galo dadkii hubka qaatay waxay ahaayeen culimada Soomaaliyeed oo ummadda ku hoggaaminayey difaaca dalkooda, maanta dadkeennii iyo diinteennii Khawaarij baa ku soo duushay waana in culimadu ay qaataan doorkooda hoggaaminta dagaalka Khawaarijta”.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay sanadkii labaad munaasadda siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee ku soo dadaalay faafinta iyo difaaca Diinta Islaamka,ayaa ku dheeraaday doorka muhiimka ah ee uu Sheekhu ka soo qaatay barashada iyo difaaca diinta islaamka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, culima’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
TRENDING
- UAE pushes countries to recognize Somaliland
- Xaaladda Siyaadeed ee dalka oo meel cakiran mareysa
- Iraan oo ka dhawaajisay in wadda hadal iyo dagaal ay diyaar u tahay
- Shacabka Muqdisho oo ah Canshuur bixiyaal dhiban
- Iran oo eedo burcad badeednimo ah dusha uga tuurtay Mareykanka
- Walaac laga muujinayo xaaladda Koonfur Afrika
- First Egyptian troops head to Somalia
- Pakistan, Somalia in talks over 11 hostages
