Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo ah mid lagu difaacayo diinta iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
“Markii dalku halis galo dadkii hubka qaatay waxay ahaayeen culimada Soomaaliyeed oo ummadda ku hoggaaminayey difaaca dalkooda, maanta dadkeennii iyo diinteennii Khawaarij baa ku soo duushay waana in culimadu ay qaataan doorkooda hoggaaminta dagaalka Khawaarijta”.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay sanadkii labaad munaasadda siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee ku soo dadaalay faafinta iyo difaaca Diinta Islaamka,ayaa ku dheeraaday doorka muhiimka ah ee uu Sheekhu ka soo qaatay barashada iyo difaaca diinta islaamka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, culima’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
TRENDING
- Mareykanka oo ciidamo hor leh u diraya Bariga dhexe
- Wax ka ogow goobaha Gaaska ee dunida ugu caansan
- Warshadda sifeysa shidaalka ee Haifa oo Waxyeelo soo gaartay
- UK oo Washington ka aqbashay in ay adeegsato saldhigyadiisa ku yaalla Bariga dhexe
- Iran oo si cad u dafirtay weeraradii lagu qaaday Turkiga iyo Cumaan
- Somalia deploys elite police to South West State amid tensions
- Political row grows in Somalia over Baidoa flight ban
- Somalia blocks Baidoa flights as South West State severs ties
