Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Russia ka geysteen tuulo ku taal bariga Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah ee Ukraine.
Dhibanayaasha ayaa ahaa dad caadi ah oo lacagaha hawlgabkooda ka qaadanayayey deegaanka Donetsk ee Yarova, ayuu yiri madaxweyne Volodymr Zelensky.
Hogaamiyaha gobolka Donetsk Vadym Filashkin ayaa sheegay in goobta uu shilku ka dhacay ay ku sugnaayeen ciidamo gurmad ah, isla markaana dad badan ay ku dhaawacmeen.
Yarova waxa ay dhanka waqooyi kaga beegan tahay Slovyansk, oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee gobolka, kaman foga jiidda hore ee ciidamada Ruushku si tartiib tartiib ah ugu sii socdaan ee bariga.
Haddii la xaqiijiyo, tirada dhimashadu waxay ka mid noqon doontaa weerarradii ugu cuslaa ee lagu qaado dadka rayidka ah ee Ukraine toddobaadyadii la soo dhaafay, ee 42 bilood ee duulaanka ballaaran ee Ruushka.
Ugu yaraan 23 qof ayaa lagu dilay weerarro dhanka cirka ah oo habeenkii ah oo lagu qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv dhamaadkii bishii Agoosto.
Dhammaadkii Todobaadkan Ruushka ayaa bilaabay weerarkii ugu weynaa ee dhanka cirka ah ee dagaalka Kyiv ilaa hadda, isagoo garaacay dhismaha ugu weyn ee dowladda ee caasimadda, weerarkaas oo Zelensky uu ku sheegay “Weerar aan naxariis lahayn” oo looga dan lahaa in lagu sii dheereeyo dagaalka.