Monday, October 27

Ruushka ayaa laba jibaaray duqeymaha iyo weerarada uu ka geysanayo gudaha Ukriane xilli uu maanka ku hayo Cadaadiska dhaqaalle ee uga imanaayo Yurub kuwaa oo waqtigan xoog badan ku bixinaya dhimista ku tirsanaanta yurub ee gaaska Ruushka.

Ruushka oo ka jawaabaya culeyska yurub uga imaanaya, wuxuu laba casho ka hor caasimadda Ukraine ee Kyiv ka fuliyey weeraro xooggan isagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxana diyaaradaha qaar oo ka gudbay nidaamyadda difaaca reer galbeedka ay burbur iyo dab ka dhaliyeen dhismayaal ku yaalla Kyiv.

Sidoo kale Ruushka ayaa maraakiibta quusta ee gujiska oo qaarkood xambaara nukliyeerka geeyay goobo ku dhow xeebaha Ingiriiska , taa oo ka yaabisay Ingiriiska oo ah taageerraha ugu weyn ee Ukraine , xilli walbana ku adkeysta sii socoshada dagaalka.

Wasiirka difaaca Ingiriiska , John Healey ayaa sheegay inay ku jiraan marxalad aysan aamusi karin , isagoo digniin u diray madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, wuxuuna yiri ; “ Waad na tijaabinaysa balse waad na arki doontaa, waxaan u gaarsan doonaa maraakiibtaada.”

Putin oo xiran dharka milatariga aya geesta kale tagay jiidaha hore ee dagaalka Ukraine , halkaa oo uu kula kulmay saraakiisha milatariga Ruushka oo tusay in ka badan toban kun oo askarta Ukraine,kuwaas oo ay ciidanka Ruushka ku go’doomiyeen labo aag oo uu dagaalku ka socdo.

sida uu baahiyay telefishinka Ruushka ee RT. Putin, ayaa yiri ; “ Ciidanka nukliyeerka Ruushka waxay ku jiraan diyaar garow buuxa.”

Wuxuu sidoo kale Putin uga digay Mareykanka inuu Ukraine ku wareejiyo gantaallada riddada dheer ee Tomahawk, wuxuuna yiri haddii dhulka Ruushka gantaalkaas lagu weerarro ,markaa jawaabta ruushka waxa ay noqon doonto mid khatar badan oo wax baabi’isa.

Wuxuu intaas ku daray: “Waa inay si fiican uga fiirsadaan arrintan ka hor inta aysan tallaabo noocaas ah qaadin.

Dhanka kale Ruushka ayaa diyaaradihiisa dagaalka gudaha u galiyay hawada NATO, waxana labo diyaarad oo uu leeyahay ay muddo 20 daqiiqo ku jireen hawada dalka Lithuania, waxaa arrintan daabacday wasaaradda difaaca Lithuania oo xaqiijisay in markii laga war helay diyaaradahan in la kiciyay diyaaraddo dagaal oo ka socda dalalka NATO si ay u joojiyaan diyaaradaha Ruushka.

Toddobaadkan gudihiisa Ruushku waxa uu sidoo kale tijaabiyey gantaal nooca nukliyeerka xambaara , kaas oo lagu magacaabo Yars. Gantaalkan ayaa laga riday saldhig ku yaalla waqooyiga Ruushka, waxaana lagu bartilmaameedsaday goob tijaabo fog ah oo ku taalla gobolka Kamchatka.

Tijaabadan waxay qayb ka tahay tababbar ciidan oo lagu hubinayo diyaar-garowga ciidamada nukliyeerka ee Ruushka, waxaana tijaabada ay ku soo aadday xilli uu baaqday Kulankii la filayey in ay yeeshaan Trump iyo Putin.

Trump oo ka hadlay haddii ay jirto kulan kale oo suuragal ah oo uu la yeelan karo Putin, wuxuu yiri ; “Ma doonayo inaan waqti lumiyo, aan aragno waxa dhici doona.”

Arrintan ayaa bidhaamineysa in Mareykanka aanay u muuqaan wax tanaasul ama isbeddel ah oo ka imaanaya dhinaca Ruushka.

Si kastaba waxa ay ahaayeen qorshe loogu tala galay ruushka Qaraxii gil gilay warshadihii ugu waaweynaa ee sifaynta saliidda Romania oo ay si buuxda u leedahay shirkadda Ruushka ee Lukoil iyo sidoo kale dabkii qabsaday warshaddii ugu weynayd sifaynta saliidda ee Hungary, oo ahayd, tan keliya ee Yurub ku dhex taalla ee sifeysa shidaalka cayriinka ee Ruushka.

Waxana labada dhacdaba oo markii hore kedis u muuqday ay noqdeen qorshe dhaqaale oo caddaadis lagu saarayo Moscow kaas oo lagu dhimayo ku tirsanaanta Yurub ee gaaska Moscowa.

Doc kastaba Farqiga ugu weyn ee maanta jira ayaa ah in dagaalku yahay mid dhaqaale iyo istiraatiiji ah, halkii uu horey u ahaa dagaal ay ciidamo ka qeyb galaan, waxaana arrinta faa’iido ballaaran ka helaya mareykanka maaddaama Marka la yareeyo ku tiirsanaanta Yurub ee gaaska Ruushka, ay si dabiici ah u kordhayso baahida loo qabo gaaska dareeraha ah ee Maraykanka.

Exit mobile version