Monday, October 27

Putin ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay heshiis iskaashi istaraatiji ah oo Ruushka uu la galay dalka Venezuela oo wajahaya hanjabaad dagaal oo Mareykanka uga imaanaysa.


Heshiiskan ayaa Venezuela fursad u siinaya inay hesho taageerro milatari oo hub iyo sirdoon isugu jirta haddii Mareykanka uu duullaan ku qaado, sida uu weriyey telefishinka Ruushka ee RT.


Waxaa sidoo kael cirka isku shareeraya khilaafka ka dhex oogan Venezuela iyo Mareykanka saacadihii la soo dhaafay Dawladda Venezuela, ayaa shaacisay qorshe ay diyaarinayso hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da oo weerar been abuur ah looga fulinayo markab dagaal oo Mareykanka uu leeyahay oo ku sugan biyaha jasiiradda Trinidad and Tobago, kaasoo lagu eedeyn doono inay fulisay Venezuela.

Arrintan ayaa loo qorsheynayaa si cududaar looga dhigo duullaan rasmi ah oo Mareykanka ku qaadayo dalka Venezuela, kaas oo uu in badan ku hanjabay Trump.

Exit mobile version