(Hortabin Media) – Sida lagu ballansan yahay maanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa kulan ka yeelanaya Cuno-qabateynta dhanka hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya.
Xubnaha golaha ayaa maanta u codeynaya qaadista xayiraadaha ku hor gudban Soomaaliya iyo ciidamadeeda in ay helaan hub tayo leh, oo ay kula dagaallamaan Al Shabaab.
Sida ay ka dhawaajiyeen diblomaasiyiin, waxaa maanta oo jimce ah gollaha amaanka horyaalla labo ajande, kuwaas oo ay soo diyaarisay dowlada Ingiriiska.
Labada Ajende ayaa kala ah, in Soomaaliya laga qaado Cuno-qabateynta hubka ee saaran iyo in dib loo soo celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran kooxda Al Shabaab.
Qaraarka horyaalla golaha oo wal wal laga muujinayo, sababo la xiriira amniga Soomaaliya ayaa dowladda ku dhiira-gelinaya in ay yagleesho bakhaaro lagu keydiyo hubka oo damaanad qaadi kara badbaada hubka iyo inuusan u gacan galin cid ka baxsan dowladda dhexe.