Sunday, September 14

Indhaweydba shaki badan ayaa dul hoganayey qabsoomida doorashada maamulka Somaliland, taas oo ay ku kala aragti duwanaayeen mucaaridka iyo xukuumadda talada heysa.

Mucaaridka ayaa Muuse Biixi u arkayey inuu isku dhajinayo kursiga, oo uusan si fudud u qabneynin doorasho lagu kala baxo, balse waxaa taasi dafiray isaga oo warbaahinta hadal kooban siiyey.

Muuse Biixi wuxuu carabka ku dhuftay in doorashada Madaxweynaha Somaliland ay dhaceyso bisha November ee sanadka 2024, isagoo intaasi ku daray in aanay waqtigaasi ka dib dhaceyn.

Mucaaridka Somaliland oo hadalkan ka jawaabayey ayaa soo dhaweeyey, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu ka dhabeeyo hadalka uu sheegay.

Hadalka Biixi ayaa isku soo dhaweynaya dhinacyada isku haya doorashada Somaliland, taas oo qabsoomideeda uu waqti dheer ka taagnaa muran iyo is fahan la’aan.

Exit mobile version