Thursday, September 11

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan is xog-wareysi ah la yeeshay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixino kala duwan ka dhageystay agaasimayaasha iyagoo uga warbixiyay habsami u socodka howlaha guud ee wasaaradaha iyo kuwa hiigsiga fog.

Ra’iisul wasaaraha oo agaasimayaasha ku bogaadiyay shaqada ay qaranka u hayaan ayaa dhanka kale kusii adkeeyey mas’uuliyiinta in aysan hakad galin howlaha shaqo ee wasaaradaha xiligan kala guurka ah, si uusan dib u dhac ugu imaan adeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshada.

Maxamed Xuseen, Hortabin Media

Exit mobile version