Thursday, September 11

Addis Ababa (HM) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibbeda Itoobiya Demeke Mekonnen.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee isla markaana iskaashi xooggan looga sameyn lahaa arrimaha amniga, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya shirka caalamiga ee madasha Tana oo diiradda lagu saari doono arrimaha amniga ee guud ahaan Qaaradda Afrika.

Axmed Dhaqane

Exit mobile version