Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjirayaasha dowladda Shiinaha iyo Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Fei Shengchoa iyo Kate Foster.
Ra’iisul Wasaaraha iyo danjiraha Shiinaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal isagoo dhanka kalana kalana kulankii uu la qaatay danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Kate Foster kala hadlay dardar-galinta barnaamijyadda horumarineed ee dowladda UK ka tageerto Soomaaliya sida gargaarka iyo amniga.
Ra’iisul wasaaraha ayaa tan iyo intii xilka loo magacaabay kulamo la yeelanaya danjirayaasha iyo madaxda kala duwan ee caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.
Maxamed Xuseen, Hortabin Media