Friday, September 12

Ra’iisal wasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa ku dhawaaqday in ay is casishay ka dib markii xisbiyada midigta ay si dirqi ah ugu guulaysteen doorashadii dhacday Axadda.

Codad faro ku tiris ah ayaa harsan in la tiriyo, balse Andersson oo sanadkii hore noqotay haweeneydii ugu horeysay ee ra’iisul wasaare ka noqota Sweden ayaa sheegtay in natiijada ay muujineyso in garabka midigta uu guuleystay.

“Sidaas darteed waxaan berri u gudbin doonaa afhayeenka baarlamaanka casilaadeyda,” Andersson ayaa sidaas u sheegtay warbahinta shir jaraa’id oo ay qabatay.

Garabka midig ayaa helay kuraas dhan 176 kursi oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamaanka, halka garabka bidix ee ra’iisul wasaaraha Andersson uu helay 173 kursi.

Abdirahman Yusuf, Stockholm

Exit mobile version