Sunday, September 14

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka ee Soomaaliya, Xamsa cabdi Barre  ayaa  caawa sameeyay Magacaabis iyo Isku Shaandheyn qaar ka mid ah Xubnaha Golahiisa Wasiirrada.

Biixi Iimaan Cige ayaa loo magcaabay wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, halka Dr. Maxamed Ibraahim Cilmi, uu noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.

Waxaa sidoo kale wasiiru dowlaha arrimaha diinta iyo awqaafta loo magacaabay Abuukar Jeylaani Sheekh, iyadoo Maxamed Nuur Caliyow loo magacaabay Wasiiru dowlihii wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ee xukuumadda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla howlo culus, oo ay ugu horeyso in ay samata bixiso dalka, waxaana isku shaandheyntan ay salka ku heysaa ka gungaarida arrimahaasi.

Exit mobile version