Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadeyaasha gudaha iyo caalamkaba in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dedaal ugu jirta soo jiidashada iyo dhiirigalinta maalgashiyo caalami ah, si kor loogu qaado wax soo saarka dalka, taas oo horseedi karta isku filnaansho dhaqaale oo waara.
Waxa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in degenaansho la’aanta iyo colaaddaha ka jiray dalka ay horseedeen in laga faaiideysan waayo kheyraadka dalka. Isaga oo caddeeyey in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay in lala ganacsado oo lala faai’ideysto, xukuumadduna ay meelmarisay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga dalka.
Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda F. Soomaaliya, Wasiirrada Kalluumeysiga Maamul goboleedyada, Safiirro iyo shirkado caalami ah oo daneeya kheyraadka badaha.
TRENDING
- SOOMAALIYA: Qiimaha shidaalka oo weli cirka ku jira, xilli uu qiimihiisu hoos u dhacay!!
- Pakistan oo howlgalo ka fulisay xadka ay la wadaagto Afghanistan
- Golaha khubaradda Iran oo fatwooday dilka Trump iyo Netanyahu
- Nicolás Maduro oo ka hadlay xaaladda Venezuela Xilli uu weli u xiran yahay Mareykanka
- Midawga Yurub oo Walaac ka muujiyey Xiisada gobolka Tigreega
- Maxaa ka soo kordhay Is-afgaradka ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Iran?
- Wadamada Ajiibay Baasaboorka Soomaaliga
- Khasaaraha ka dhashay dhulgariir ku dhuftay Venezuela
