Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay rag ajaanib ah, kuwaas oo qorshahoodu ahaa in ay ku biiraan Al Shabaab.
Raggan ayaa laga qabtay degmada Mooyaale, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Abdirahman Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia oo ay da’diisu tahay 30 sano jir.
Nimankan ayaa ka soo safray dalka Tanzania, iyagoo ku sii jeeday magaalada jilib ee gobolka Jubada hoose, si ay ugu biiraan dagaalyahanada Al Shabaab ee halkaasi ku sugan.
Raggan ayaa iyagoo jooga Tanzania, waxey xiriir la soo sameyeen xubno daacad u ah Al Shabaab, kuwaas oo ku dhiirageliyey safarka ay soo galeen.
Booliska Ugandha iyo kuwa Kenya ayaa iska kaashaday, xogta raggan, taas oo sababtay in gacanta lagu soo dhigo, waana kuwo iminka sida la sheegay wajahaya caddaalada.