Friday, September 12

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  oo kaashanaya Hay’addaha Amaanka waxa ay gacanta kusoo dhigeen.

Eedeysanayaal tiradoodu gaareyso 5 kuwaas oo dil u geestay 4 muwaadin dilalakaas ayaa ka kala dhacay Dagmooyinka Kaladuwan ee Gobalaka Banaadir.

1: Eedeysane D/le: XDS Daauud Bashiir Colow oo dil u geestay Marxuum Saciid Cabdi Muuse, dilkaas oo ka dhacay Dagmada Dharkeynley

2: Eedeysane A/le XDS Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo
Eedeysane C/qaadir Maxamed Xasan oo dhaawac ah, labadaan eedeysane ayaa dil u geestay Marxuum Aweys Xuseen Jeylani, waxa uu dilkaas ka dhacay Dagmada Xamar jajab.

3: Eedeysane Maxamed Cabdi Maxamed waxa uu dil u geestay  Cabdullaahi Abuuukar Yuusuf waxa uu dilkaas ka dhacay  Dagmada Deyniile.

4: Eedeysane D/le Yuusuf Cali Macoow waxa uu dil ugeestay Marxuum Maxamed Axmed Nuur dilkaaas aya ka dhacay Dagmada Hiliwaa.

Exit mobile version