Sunday, September 14

Howl-gal ay Sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaliyeed, ayey ku suura gashay in ay Gacanta Ku soo dhiggaan rag burcad ah oo Dhac Ka wadey Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir.

Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Gaar ahaan Saldhigga Dharkenlay ayaa raggan lagu xiray Taariikhda Markay ahyed 14-05-2024 abaaro 08:40-am

Taliska Saldhigga Boliiska Degmada dharkenley  ayaa sheegay in uu helay Xog ku saabsan in dad lagu Dhacay Degmada dharkenlay oo ay dhaceen burcad Wadata Toorey iyo Baangad.

Taliska Saldhiga aya sheegay in wixii intaasi ka danbeeyey ay ku dhaqaaqeen soo qabashada raggan, iyagoo garab ka helaya shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Maalmihii ugu danbeeyey waxaa soo badanayey ragga dhaca ka geysanaya gudaha Caasimada, kuwaas oo badankood ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Exit mobile version