Ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey deegaanno ka tirsan Hirshabelle.
Macawiisleyda ayaa howlgal ballaaran waday maalmahan, waxaana u suura gashay in deegaanka Cadcadeey ay ka qabtaan raggan ka tirsan kooxda Al Shabaab.
Ragga la qabtay ee Al Shabaab ka tirsan ayey tiradoodu gaareysaa ilaa 3- nin sida uu warabaahinta u xaqiijiyey Taliyaha ciidanka Macawiisleyda ee deegaanka Cilmi Cabdulle Cali.
Wuxuu taliyuhu sheegay in ragga la qabtay lagu wareejiyey ciidamada dowladda, waxaana sida u dhaqsiyaha badan loogu gudbi doonaa hay’adaha cadaaladda si waajibaadka kaga aaddan ay u mariyaan.