Sunday, September 14

Wararka ka imaanaya xadka  gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegaya in duqaymo culus ay halkaas ka dheceen.

Diyaarado ayaa la sheegay in ay duqaymo Culus ay ka geysteen degaanka Fiidow  taas oo ay ka dhasheen khasaare Culus.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqaymo la beegsedeen xubno ka tirsan Alshabaab  oo degaankaas ku sugnaa.

In ka badan 10 xubnood oo ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay in Duqaynta ay ku geeriyoodeen sida laga soo xigtay  Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka eek u sugan gobolka shabeelada Dhexe .

Dhinaca kale, degaanka Diinlaawe oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Mahdaay ee gobolka shabeelada  Dhexe ayaa sheegaya  uu ka dhacay  weerar sababay khasaare dhimsho iyo dhaawacba leh.

Xubno ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay in ay weerareen Degaanka Diinlaawe balse Ciidamada degaanka ay iska difaaceen weerarkaas  waxaana ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Xubnihii weerarka geystay iyo Ciidamada Degaabka sida ay dadka ku dhaqan degaanskaas ay warbaahinta Risaala u xaqiijiyeen .

Exit mobile version