Waxaa la hakiyey kulankii u dhaxeeyey kooxaha Hirshabelle iyo Banaadir kadib dagaal dhex maray xidigaha labada kooxood, ciyaar ka tirsan tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada.
Ciyaartii galabta ayaa noqotay mid uu hareeyey buuq iyo fowdo, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay rabshadii kulankii maanta.
Ciyaartii maanta waxaa sidoo kale ay waxyeelo ka soo gaartay qaar ka mid ah taageerayaashii labada kooxood, kadib tuuryo dhagxaan ah oo ka billaabatay gudaha garoonka.
Waxaa geesta kale dhaawacmay qaar ka mid ah garsoorayaashii kulankii galabta, kuwaas lagu dhuftay dhagxaan ay soo tuureen dadkii garoonka buux dhaafiyey.
Wixii warar ah ee arrintan ku soo kordha kala soco wararkeena xiga hadduu alle raalli ka noqdo.