Warbaahinta caalamka ayaa saacadihii ugu danbeeyey aad u hadal heysa rabitaanka Trump ee ku aaddan inuu dib u dhigo doorashada Mareykanka si uu kursiga ugu sii nagaado.
Xiisaha uu Trump u qabo muddo kororsi sharci darro ah ayaa si xoog leh u soo if baxayey toddobaadkan, waxaana arrintani ay abuurtay hadal heyn aad u fara badan.
Kadib kulankii loga arinsanyey mustaqbalka dagaalka Ukraine Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hoggaamiyayaasha qaar kamid ah Dalalka Yurub ee martida u ahaa geeyay qol gaar u ah oo uu dhigto Koofiyada uu caanka ku yahay, halkaa oo yoolkiisa laga dheehday kadib markii la arkay in koofiyadaha lagu xardhay qoraal ah “Afar sano oo kale” taasi oo muujineysa muddo kordhinta uu ku taamayo
Sidoo kale Trump ayaa intii uu socday kulankii uu Zalensky la yeelanayey sheegay in doorasho aanay ka dhaceynin Mareykanka waa haddii uu mareykanku dagaal galo, waa arrimaha bannaanka keenay qorshihiisa muddo kororsiga
Sidoo kale aqalka cad ayaa saacadihii la soo dhaafay la dhigay sawir saadaalinaya dagaal uu galayo Mareykanka waxaana arrintani ay soo jiidatay indhaha qubarada falanqeeya siyaasadda mareykanka kuwaas oo sheegay in ay dhici karto in trump uu ka shaqeynayo dagaal weyn oo uu Mareykanku ku lug yeesho, taas oo u saamaxeysa inuu muddo xileed dheeri ah helo, waase arrin sida ay tilmaameen ay adag tahay in ay hirgasho.
Trump sida ku xusan sharciga Maraykanka markale isma soo sharrixi karo maadaama uu qaatay 8da sano ee dastuurka dalkaas ku qoran, waxaase jira ereyo aan rasmi ahay oo laga soo xigtay in uu ku doonayo afar sano oo kale.
Xiligan Trump Qaabka uu u raadinayo ayaa ah abaabulka Dagaallo sababi kara in aan la qaban Karin doorasho taasina u suuragelineyso sidii uu usii joogo lahaa Aqalka Cad, waxaase damacaasi diidan hay’adaha dastuuriga ah oo sheegaya in ay ilaalinayaan dastuurka Dalkaas.
Donald Trump ayaa kiisas kala duwan lagu soo furay afartii sanno uu xilka Madaxweynaha ka maqnaa, waa tan keentay in uu gucla orad u galo sidii uu u sameyn lahaa ‘Dastuur Jabin’ taa oo ka dhigeysa Madaxweynihii ugu horreeyay ee qaatay sanado ka badan muddo xileedkiisa waase filasho uu ku hungoobi doono sida ay qabaan qubarada odorasa siyaasadda Mareykanka.