Saturday, September 13

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la wareegay baqaar lagu keydinayey raashin dhacay, kaas oo laga iibinayey bulshada ku nool Caasimada.

Maamulka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ganacsatadii dadka ka iibineysay raashinkan dhacay, kuwaas oo caddaalada la horkeeni doono.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale baaritaano ku haya baqaaro kale oo ku yaalka suuqyada Muqdisho, oo qaarkood looga shakisan yahay in lagu iibiyo raashin dhacay.

Howlgallada ceynkan oo kale ah, ayuu Maamulku sheegay inuu sii wadi doono, waxaana shacabka ka codsaday in ay arrintaasi dowladda kala shaqeeyaan.

Muqdisho, waxaa todobadkan iyo kii ka horeeyey ka socda howlgallo shacabka loogu adeegayo, kuwaas oo ay bogaadiyeen bulshada qeybaheeda kala duwan.

WQ: Ayaanle Qoyste.

Exit mobile version