Friday, September 12

Aadan Yabaal (HM) – Wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa maanta gaaray degmada Aadan Yabaal halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiinta sare ee maamulka Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaaraha oo shacabka deegaankaasi la hadlay ayaa sheegay ayaa sheegay in dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxaha khawaarijta uu leeyahay laba ujeedo oo kala ah 1) in la fulineyo sharciga Islaamka ee ah in qofku sharaftiisa, naftiisa iyo maalkiisa xaqa ku difaacdo 2) in lagu badbaadinayo xuquuqda dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha khawaarijta ilaa laga suuliyo dalka, si dadka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo sharaf.

Degmada Aadan Yabaal oo laga xorreeyay argagixisada toddobaad ka hor, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu maanta waxa uu dhagax-dhigay garoonka diyaaradaha degmada oo si degdeg ah loo dhisi doono.

Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee SODMA ay gaarsiineyso dadweynaha Aadan yabaal cunto loogu talagalay 4000 oo qoys iyo daawooyin, isla markaana dib loo hawlgelin doono goobihii waxbarashada iyo caafimaadka ee degmada Aadan Yabaal.

Maxamed Xuseen

Exit mobile version