Warbixin cusub oo uu soo saaray ururka Global Initiative, oo ka shaqeeya la dagaallanka dambiyada abaabulan, ayaa ka digtay in dagaalka ka socda Suudaan uu abuuray shabakado isku xidhan oo ka shaqeeya isu socodka hubka iyo ciidamo calooshood-u-shaqeystayaal ah, kuwaas oo dib u qaabeynaya dhaqaalaha amniga ee dalal ay ka mid yihiin Jaad iyo Liibiya.
Warbixintu waxa ay ogaatay in burburka ku yimid nidaamkii maamulka milatariga Suudaan, tan iyo bishii Abriil 2023, uu dhaliyay qulqul xooggan oo hubka ah oo soo gelaya dalka iyo midka ka baxayaba, arrintaas oo hubka iyo ganacsiga dagaalka u furtay suuqyada gobolka. Kooxo calooshood-u-shaqeystayaal ah, oo ka kooban hadhaagii jabhadaha hore iyo dagaalyahanno cusub, ayaa udub-dhexaad u noqday arrimaha saadka iyo loojistiga, iyaga oo galbiya kolanyooyinka ganacsiga dagaalka, gacantana ku haya baraha kaantoroolka ee ay shabakadahani waxa isaga gudbiyaan, isla markaana waxa ay toos isugu xidhaan cududda ciidan ee la qorto iyo kala-iibsiga hubka.
Gudaha Liibiya, ciidamada loo yaqaan Ciidanka Qalabka Sida ee Liibiya, oo uu hoggaamiyo Khaliifa Xaftar iyo xoogag kale oo maamula inta badan bariga iyo koonfurta Liibiya, ayaa gacanta ku haya jidadka muhiimka ah ee koonfurta oo wax laga tahriibiyo. Waxa kale oo isu socodkan u kala dillaala dad ka soo jeeda qabiilka Teebu iyo qoomiyadda Dawaariqda ee saxaraha oo ah qoomiyado ku baahsan Liibiya, Jaad, iyo Nayjer, iyaga oo fududeeya ganacsiga hubka, shidaalka, iyo tahriibinta dadka. Waxa ay shabakadahani si wada jir ah u maamulaan jidadka gala Liibiya, Nayjer iyo Jaad.
Qaar badan ayaa saldhigyo ka dhigtay goobaha dahabka laga qodo, halkaas oo dhaqaalaha ka soo baxa ay hadda isku milmeen qulqulka hubka iyo ganacsigiisa gobolka.
Bishii Sebtembar 2025, dawladda Suudaan ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo ku eedeeysay Imaaraadka Carabta in ay qorteen, maalgeliyeen, soona direen boqollaal dagaalyahanno shisheeye ah, oo u badan askar hore oo u dhashay dalka Kolombiya, si ay uga garab dagaallamaan xoogagga RSF.
Milateriga Suudaan ayaa sheegay 6-dii Agost 2025, in ay soo rideen diyaarad u kiraysnayd Imaaraadka oo isku dayaysay in ay ka degto garoon diyaaradeed oo xoogagga RSF maamulaan oo ku yaalla Niyaala oo xarun u ah gobolka Koonfurta Daarfuur. Sida ay sheegeen Milatariga Suudaan, diyaaraddaasi waxa ay sidday ku dhawaad 40 calooshii-u-shaqeyste oo Kolombiyaan ah iyo qalab milatari oo loo waday RSF, waxaana weerarkaas ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa diyaaraddaas.
Falanqeyn ay dhawaan sameysay kooxda dabagalka ee “The Sentry” ayaa lagu soo bandhigay shabakadaha qorashada iyo daabulidda oo lagu xidhiidhiyay shirkado amni oo gaar loo leeyahay oo uu fadhigoodu yahay Imaaraadka, gaar ahaan shirkadaha Global Security Services Group (GSSG) iyo International Services Agency (A4SI). Sida ay warbixintu sheegtay, shirkadda GSSG waxa ay qandaraas siisay shirkadda A4SI si ay u soo qorto askar hore ee Kolombiyaan ah, iyada oo lacagaha la marsiinayay shirkad laga diiwaan geliyay Banama oo xidhiidh la leh akoonno dibadda ah.
Qirashooyin laga helay dagaalyahanno hore uga soo dagaallamay ayaa xoojinaya arrinta ku saabsan ka qaybgalkooda tooska ah ee dagaalka iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Warbixin ay qortay jariidadda The Guardian ayaa lagu soo xigtay Kolombiyaan sheegay in la soo mariyay waddamo dhexe inta aanay tagin Suudaan, iyaga oo sheegay in Imaaraadka looga soo gudbiyay Soomaaliya, ka dibna la sii mariyay Liibiya iyo Jaad, ka hor inta aan la geyn Suudaan. Qaar badan ayaa loo diray furimaha dagaalka, iyaga oo garab siiyay xoogagga RSF, waxaana loo xil saaray tababaridda askarta cusub, oo ay ku jiraan carruur. Mid ka mid ah dagaalyahannadii hore ayaa u sheegay wargeyska in ay hubka barayeen carruur aad u badan, ka hor inta aanay u dirin furimaha hore ee dagaalka.
Baadhitaan ay dhawaan sameysay Middle East Eye ayaa shaaca ka qaaday hawlgal qarsoodi ah oo ka socda Boosaaso, halkaas oo saraakiil sarsare oo milatari oo la hadlay ay u sheegeen in ay dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo la xidhiidha dagaalka Suudaan ay ka jiraan garoonka iyo dekedda Boosaaso.
Dhaqaalaha dagaal-ka-macaashka ee ku gedaaman colaadda Suudaan ayaa dhibaato ba’an u geystay dadka rayidka ah. Tobannaan kun oo qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku bilowday, malaayiin kalena waxa ay ku go’doonsan yihiin gobollo ay ku haystaan dhibaatooyin bini’aadanimo oo ka sii daraya. Dilal wadareed, tacaddiyo kufsi, iyo xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa weli socda, iyada oo colaaddu ay sii hurayso, xoogagga RSF oo si weyn loogu eedeynayo xadgudubyada baahsanna waxa ay sii wadaan dagaallo ay ku sii xejisanayaan deegaannada ay qabsadeen.
