Saturday, September 13

Xeryaha ku yaalla duleedka Muqdisho waxaa dhawaan soo gaaray 180 qoys, kuwaas oo ka soo barakacay Magaalada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaha hoose

Qoysaskan oo isugu jira Xoolo Dhaqato iyo beeraleey, ayaa halkaasi ka soo hayaamay  wixii ka dambeeyay weerarkii qarxayda ku bilowday ee ay alshabaab bishii la soo dhaafay ku qaaday  xero ay ciidamada atmis gaar ahaan kuwa uganda ay ku lahaayeen Magaaladaasi.

Qoysaskan ayaa sheegaya inay u soo qaxeen sababo la xiiira  cabsi ay ka qabaan in halkaasi ay ka dhacaan daagaalo kale waxana ay sheegeen inay soo miciinsadeen duleedka muqdisho gaar ahaan kaamamka barakacayaasha deyniile.

Barakacayaashan oo soo gaaray Kaamka jamaal ee Dayniile, ayaa dhibaato fara badan ka soo  maray safarkii ay ku soo gaareen kaamka ay ku sugan yihiin, waana kuwo weli ay xaaladoodu adag tahay.

Taliso Xuseen, waxa ay ka mid tahay qoysaska xoolo dhaqatada ah ee mudada dheer deganaa Buulo Mareer, waxaana dagaalkii halkaasi ka dhacay ay ku weysay sayigeeda.

Haweenka soo barakacay ayaa badankooda watay, caruur ay diif badani ka muuqato, kuwaas oo lala soo lugeeyey muddo 10 casho ah, waxaana qeyb ka ahaa Xaliimo Isaaq.

Dumarka qaarkood ayaa soo barakacay iyagoo xaamilo ah, sida Faadumo Maxamed oo dhabaha ku soo umushay, waxeyna codsaneysaa in gargaar lala soo gaaro.
Dadka da’da ah ee soo maciinsaday duleedka Muqdisho waxaa qeyb ka ah Cabdi Cismaan, kaas oo la socda caruurta uu dhalay ubadka ay sii dhaleen.

Dhinaca kale Afhyeenka ciidamada ATMIS Col Abdullahi Ganale oo aan xiriir la sameynay, si aan uga helno jawaab ku aadan dadka buulo mareer uga soo barakacay cabsi ay ka qabaan  ATMIS iyo walaaca soo kordhay ayaa ku jawaabay sida tan.

“Dadka reer Buulo Mareer waxay la noolaayeen ATMIS muddo dheer xitaa ka hor weerarka. Kalsoonida nabadeed ayaa ahayd mid waxaasi oo dhan saldhig u ahayd”

“Xusuusnow xogaha dadaalkayaga ee Iskaashiga Madaniga ah iyo Militariga (CIMIC) iyo kaalmada dadweynaha, warqadaha Imtixaanka oo la soo daabulay maalin ka hor weerarka, waxaa ku xusnaa keliya hal shaqo”

“Rayidka ayaa muddo dheer dhibanayaal u ahaa Al Shabaab, sidaa awgeed cabsida ay dadka ka muujinayaan ATMIS waa dacaayad aan waxba ka jirin, oo ay dadka ka dhaadhicinayaan Al Shabaab ama kuwo taageera”

Af-hayeenka ayaa sidoo kale yiri “Waqtigan Dhammaan waxa la hubaa in si badbaado leh oo dhammaystiran loo ilaalinayo. Beeralayda, ganacsatada, xoolo-dhaqatada, iyo dugsiyada, waxaana leeyahay ha wataan hawl maalmeedkooda ganacsi iyagoon cabsi qabin, su’aashaada kale haddii ay jiraan kuwa guryahoodii uga baxay hanjabaado been abuur ah ama dacaayad cad oo uu cadawgu inaga faafinayo, ha soo noqdaan, waxaana u xaqiijinaynaa dadkaasi barakaca ah inaan si buuxda u ilaalino badqabkooda oo ah howsha naloo igmaday” ayuu hadalkiisa ku soo gebagabeeyey Af-hayeenka ciidanka ATMIS.

Exit mobile version