Saturday, September 13

Khasaare xooggan ayaa ka dhashay madaafiic ay ciidamada ATMIS ee ku sugan Bariire ay ku duqeeyeen gudaha degmadaasi.

Madaafiicdaasi ayaa waxyeelo ba’an u geystay qoys Soomaaliyeed, waxaana ku dhaawacmay wiil uu dhalay Gudoomiyihii hore ee degmadaasi, xaaskiisa iyo caruurtooda oo gaaraya seddex.

Qoyskan 5-ta xubnood ka kooban, ayaa dhaawacood la keenay Isbitalka Madiina ee Muqdisho, halkaas oo xalaadooda caafimaad lagula tacaalayo.

Dadka degmada Bariire ayaa muujinaya cabsi xooggan, waxeyna inala wadaageen, in habeenadi la soo dhaafay ay ciidamada ATMIS ku duqeynayeen madaafiic, geysatay khasaare kala duwan.

Ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, ayaanan ilaa iyo iminka jawaab ka bixin madaafiicdaas ay ku garaaceen dadka deegaanka Bariire.

Exit mobile version