Waxaa dib usoo xoogeystay qorshaha ay Israa’iil ku dooneyso in dadka reer falastiin ay uga rarto Gaza, waxaana arrintan waqtigan si weyn u maalgelinaya mareykanka, kaas oo Israa;iil ku gacan siinaya sidii uu qorshahan usuuri gali lahaa.
Wargeysyada Caalamka badankood ayaa ku warramay inuu Trump u oggolaaday Netanyahu inuu duullaankii u sarreeya ku qaado Qasa, si marinka Qasa uu u noqdo dhul ay la wareegto Israa’iil.
Netanyahu qudhiisa ayaa arrintan xaqiijiyey mar uu waraysi gaar ah siiyay Fox News , wuxuu wareysiga ku sheegay inay Israa’iil heshay oggolaanshaha Mareykanka ee ballaarinta duullankeeda marinka Qasa , isagoo yiri ; ”Ujeeddadeennu weerarkan waa inaan si buuxda ugu talo-galno inaan Qasa la wareegno… la sugo amniga Israa’iil.. la baabi’iyo Xamaas iyo in la xoreeyo Qasa.”
Telefishinka Channel 12 ee Israa’iil ka soo baxa , ayaa isagana sarkaal sare oo milatari ka soo xigtay in amar lagu siiyay ciidanka inay si dhammeystiran ula wareegaan marinka Qasa oo weerarradooda dib u billaabaan, isagoo yiri ; “Go’aanka waa la gaaray; waxaan si degdeg ah u qabsaneynaa marinka Qasa.”
Sidoo kale Warbaahinta Isr1l ee N12 , ayaa faahfaahin ka soo bandhigtay amarka uu bixiyay Netanyahu ee qabsashada dhammeystiran ee Qasa, waxaana Israa’iil ay maanka ku heysaa in Xams aysan sii deyn doonin maxaabiista haray ilaa Isr1l ay si buuxda isu dhiibto — taas oo ay israa’iil ku adkaystay in aysan dhici doonin; “ waxeyna israa’iil yiraahdeen Haddii aan hadda tallaabo qaadin, maxaabiista waxay u dhiman doonaan gaajo, halka Xams ay wali sii xukumi doonto Qasa.”
Qorshaha wuxuu yahay la wareegida oo dhowr waji leh ayaa ah ; in Marinka Qasa, loo rogi doonaa goob milatari, iyadoo Dadka ku nool Qasa, si khasab ah loo barakicin doono, lana geyn doono goobo gaar ah ,,sida qorshuhu yahay Goobaha aysan ciidanka Isr1l horey u galin ee xerooyinka ay dadka ku barakaceen ayay howlgallo milatari ka fulin doonaan.,,sidoo kale Waxaa duqeymo burburin ah laga fulin doonaa goob kasta , xataa meelaha lagu tuhmayo in lagu hayo maxaabiista.
Shirkadda bixisa la talinta istaraatijiga ah ee Mareykanka oo lagu magacaabo Boston Consulting Group (BCG) , ayaa la sheegay inay bilowday tijaabooyinkii u horreyay ee suragal ka dhigaya in Falastiiniyiinta Qasa laga saaro dhulkooda loona raro Somaliland iyo qeybaha kale ee Soomaaliya , iyadoo la filayo in la taliyayaal ka socda shirkadan ay la kulmaan dawladda federaalka iyo mas’uuliyiinta Somaliland , sida uu sheegay wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Financial Times.
Warbixinta waxay xaqiijiyay in shirkaddan ay ka caawinayso Israa’iil, hababka ugu fudud ee dadka Qasa , dhulkooda looga saarayo loona rarayo Soomaaliya , waxaana ay la taliyayaasha shirkadan BCG oo ah mid caan ku ah arrimaha la talinta iyo istaraatijiyada oo la aasaasay sannadkii 1963 , ay sidoo kale dejiyeen dhaqaalaha ku baxaya qorshaha , sida ay ku suragalayso in Falastiiniyiinta laga daabulo Qasa oo la geeyo Soomaaliya , falcelinta ka dhalanaysa sida la isaga caabin karo, dhulalka dadkan la dejinayo iyo sida lagu dhisi karo jawi aan iska caabin lahayn oo lagu dhaqan geliyo qorshahan.
Sida la ogyahay Dawladda Federaalka iyo Somaliland , ayaa horey isaga diideen in dadka laga soo barakicinayo Qasa la soo dejiyo gayiga soomaalida , balse sida warbixinta wargeyskan laga arko, wali qorshaha waa mid aan ka lumin miisaska wada xaajoodka barakicinta dadka Qasa.
Dhanka kale Xamaas ayaa mar kale xaqiijisay inaysan oggolaan doonin inay hubka dhigto ilaa la aasaaso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, taasoo ay uga jawaabayso mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee Israa’iil ku xirtay wadaxaajoodka xabbad-joojinta ee Qasa.
Kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ah ayaa sheegtay inay ka jawaabayso hadallo ay ku sheegtay inuu yiri wakiilka Bariga Dhexe ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Steve Witkoff, kaasoo sheegay in Xamas ay “muujisay diyaar garowgeeda” ah inay hubka dhigto.
Isras’iil l waxay u aragtaa in hub ka dhigista Xamas ay tahay mid ka mid ah shuruudaha muhiimka u ah heshiis kasta oo lagu soo afjaro colaadda.
Wadaxaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya Israa’iill iyo Xamaas si loo gaaro xabbad-joojin iyo sii deynta maxaabiista ayaa hakaday toddobaadkii hore.
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, dowladaha Carabta ayaa ku boorriyay Xamaas inay hubka ka dhigaan oo ay dhiibaan maamulka Gaza, ka dib markii dalal badan oo reer galbeed ah – oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Kanada – ay ku dhawaaqeen qorshe ay ku aqoonsanayaan dowlad Falastiin. UK waxa ay sheegtay in ay aqoonsan doonto dowlad Falastiin ah haddii Israa’iil ay buuxin weydo shuruudaha qaarkood marka la gaaro Sebtembar.
Xamaas oo ah koox ay argagixiso u aqoonsan yihiin Maraykanka, UK, iyo Midowga Yurub — waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaanay ka tanaasuli karin “xaquuqda iska-caabinta iyo hubkeeda” ilaa la aasaaso “dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, si buuxdana u leh karaamadeeda, oo ay caasimad u tahay Qudus.”
Wargeyska Isr1l ka soo baxa ee Jerusalem Post, ayaa ka soo xigtay waaxda caafimaadka maskaxda ee ciidanka Isr1l , in hadda askarta dalbanaysa daaweyn maskaxda ah ay ku dhawaatay 90% , taasoo ah koror aan horey dagaallada oo dhan looga diiwaangelin, iyadoo ciidanka Isr1l ay dalbanayaan ; daaweynta xaalado badan oo la mid ah , walbahaar joogto ah, iyo niyad-jab baahsan.
Wargeys , ayaa warbixintan baahiyay , isagoo xiganaya askarta ku sugan gudaha Qasa , wuxuuna sheegay inay ciidanka Isr1l , wajahayaan xaalad aan nolashooda soo marin ayna noqdeen kuwa ka baxay xadkii xasilloonida nolosha oo maskax ahaan u daalay , awoodna u lahayn inay sii wadaan dagaal. Warbixintu waxay sheegtay inay ciidanku ku dhow yihiin inay ka soo cararaan goobaha dagaal ama ay iyagu nafta is dhaafiyaan.
Taliyihii hore ee sirdoonka milatari Israa’iil, Amos Yadlin, ayaa u sheegay warbaahinta hadal ku socday Israa’iiliyiinta, wuxuu yiri ; “ Israa’iil waxay ku dhowdahay inay la kulanto guul darro istaraatiji ah , taa yeysan idinku noqon wax aad la yaabtaan kolka ay dhacdo.” hadalkaas ayaa lagu sifeeyey mid uu quus ka muuqdo.
Sidoo kale Muuqaalka labo maxbuus oo Israa’iili ah oo laga duubay muuqaallo ay sii daayeen kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Qasa, ayaa dareen naxdin leh ka dhaliyay Israa’iil, waxaanay taasi keentay in dib loo soo celiyo baaqyo ku aaddan heshiis xabbad-joojin ah oo lagu soo afjarayo dagaalka socda, maxaabiistana dib loogu celiyo qoysaskooda, xilli ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka digayaan khatarta macluul ee Marinka.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray fiidnimadii Sabtida ku sheegay inuu la hadlay qoysaska maxaabiista kuwaas oo ka soo muuqday muuqaallada iyagoo u muuqda kuwo xaaladdooda ay aad u liidato ka dib ku dhawaad 22 bilood oo ay afduub ku haysteen Xamaas.
Netanyahu ayaa toddobaadkan barihiisa bulshada ku baahiyay farriin uu ku sheegayo inuu la xiriiray hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC), isagoo ka codsaday inay billaabaan sidii gargaar loo garsiin lahaa maxaabiista Israa’iil ee ay gacanta ku hayaan Xamaas, kaddib markii caro badan ay ka dhalatay muuqaalka ay soo bandhigtay Xamaas , tani waxay gudaha Israa’iil ka dhalisay cadaadis badan oo Netanyahu uu la kulmay.
Caddaadiska Netanyahow uu kala kulmayo Israa’iiliyinta, walka walka ciidamadiisa hareeyey, iyo weerarda joogtada Xamaas uga imaanaya, ayaa la rumeysan yahay in ay fashilin karaan yoolkiisa ku qaadan inuu Gaza ka barakaciyo dadka falastiiniyinta, taas oo sida la rumeysan yahay noqon doonta filasho uu ku hungoobi doono.