Maamulka Yahuuda ayaa la soo sheegayaa inay hadda gacanta ku hayso qorshe qarsoodi ah oo ay saldhig millatari kaga dhisanayso xeebaha Somaliland, gaar ahaan aagga istaraatiijiga ah ee marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Sida lagu baahiyay warbixin cusub oo ka soo baxday wakaaladda Bloomberg, tallaabadan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyadda Israel ee ay kula tacaalayso saameynta Iran ee gobolka, iyadoo bartilmaameedka koowaadna uu yahay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen oo weli loo arko inay yihiin cududda ugu weyn ee ay Iran ku leedahay gobolka ee aan weli la wiiqin.
Qorshahan ayaa soo shaac baxay ka dib markii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ay bishii December ee sannadkii hore aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland, taas oo albaabada u furtay iskaashi dhinac kasta ah oo dhex mara labada dhinac.
Khadar Xuseen Cabdi oo ah wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay ka wada hadleen iskaashi dhinaca amniga ah oo dhalin kara in Israel ay xarun ka samaysato xeebaha Somaliland, inkastoo tallaabadani ay dhalisay dareen xooggan iyo dhaleecayn uga imanaysa dalalka dariska ah iyo quwadaha gobolka ee ka walaacsan loolanka hubka ee Badda Cas.
Dhismaha saldhiggan ayaa Israel u saamaxaya inay si dhow u kormeerto dhaqdhaqaaqa badda ee marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab, halkaas oo ay Xuutiyiintu muddooyinkii u dambeeyay ku weerarayeen maraakiibta caalamiga ah.
Tallaabadan ayaa u muuqata mid Somaliland gelisay bartamaha loolanka juquraafi-siyaasadeed ee u dhexeeya Iran iyo Israel, iyadoo dhinaca kalena Somaliland u aragto fursad ay ku xoojiso aqoonsiga caalamiga ah ee ay mudada dheer raadinaysay, in kasta oo ay khatar weyn oo dhinaca amniga ah ka dhalan karto saameynta ay ku yeelanayso xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

