Friday, September 12

Dowladda Soomaaliya ayaa waqti badan iminka ku bixineysa sidii dalka looga qaadi lahaa cuno qabteynta hubka ee saaran.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ku sugan mareykanka ayaa door weyn ka qaadanaya dadaalada, waana kuwo saacadihii ugu danbeeyey kulamo la yeeshay madax ka mid ah dowladda Mareykanka.

Masuuliyiintaas waxaa ka mid ah Cali Cumar Cali (Balcad) oo ah Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaas oo warbaahinta u sheegay in ay meel fiican marayaan wada hadalada ku aadan in Soomaaliya laga qaado cuno qabateynta.

Dowladda Soomaaliya ayaa caalamka ku qancineysa in laga qaado cuno qabateynta hubka maaddaama ay ku jirto xaalad dagaal, oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Cuno qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo lagu soo rogay sanadkii 1992-dii ayaa ah tii ugu dheereyd ee la saaro dal ka tirsan caalamka, waxaana ilaa iyo iminka la ogayn waqtiga rasmiga ee laga qaadayo cuno qabateyntaasi. 

Exit mobile version