Qorshaha bixitaanka ciidmada ATMIS ayaa si xowli ah u socda, waxaana ciidamada nabad ilaalinta ay faarujiyeen saldhigyo aad u fara badan.
kooxda ayaa faarujisay saldhigyo fara badan oo ay ku lahaayeen meelo ay ka mid yihiin Hirshabelle iyo Jubaland, waana arrin qeyb ka ah qorshaha ay dalka uga baxayaan.
Dhamaan saldhigyadii ay faarujiyeen ATMIS ayaa lagu wareejiyey ciidamo kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan tababaro loo soo gabagabeeyey.
Bixitaanka ATMIS ayaa ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya ku jirto dagaal adag oo ka dhan ah Al Shabaab, kaas oo sida la rumeysan yahay aanay ku filneyn ciidamada xoogga dalka.