Dowladd goboleedka Hirshabelle iyo madaxda ciidamada qalabka sida ayaa dejiyey qorshe ballaaran oo Al Shabaab looga suulinayo inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Qorshahan ayaa waxaa kulan ka yeeshay Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo taliyaha lugta Dayax Cabdi Cabduulle.
Dhinacyada ayaa isla soo qaaday halista iyo caqabad ay Al Shabaab ku hayaan wadada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar, waxaana la qorsheeyey in dhawaan la billaabo howlgal kooxda looga cirib-tirayo goobahaasi.
Al Shabaab ayaa inta badan weeraro u badan qaraxyo ka geysata wada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar, halkaas oo lagu bartilmaameesado gaadiidka ciidamada dowladda ee isticmaalaya marinkaas, waxana qorshahan haddii uu hirgalo uu wax weyn ka tarayaa amniga dhabaha isku xira labadaasi degmo.