Monday, October 27

Arrimaha dhulboobka ee ka socda Magaaladda Muqdisho waxay u qalmaan in lagu darro taariikhda xun ee laga dhaxlay dagaalkii sokeeye iyo burburkii dowladda waana mid ka mid ah fal-dambiyeedyada abaabulan ee magaca dowladeed lagu gaystay, (State Organised Crimes).

Waxaa meel walba oo dulleedka Muqdisho ah daadsan carruur iyo haween waxaana ka muuqda dareen foolxun oo ay ka qaadeen maamulka Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxaa gar ah in dowladu ay soo ceshato dhulkeeda danta guud, balse marnaba gar iyo sharci ma ahan in dhulalkaasi loobixiyo laaluush siyaasadeed iyo mid dhaqaale gaar ah laga raadinayo kaasoo ku dhacaya jeebab aan la aqoon, hase ahaatee uu hormuud u yahay Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.

Haddii dhulka sifo sharci ah lagu soo celinayo waxaa munaasib ahaa in shacabka danyarta ah loo sameeyo Qorshe dib u dejin Qaran ama ugu yaraan magdhow u qalma inay dadku noloshooda dib u dhistaan si iskood ah.

Waxaan daawanay walina socda in ciidanka Qaranka loo adeegsanayo barakicinta hubeysan iyo cagafta ay darawalada naxariista darran wadaan.

Maha-dhooyinka aan diiwaangaliyay waxaa ugu dambeeyay 26 kii bishaan Oktoobar 2025, markii aan arkay eedadeey Ardo Odowaa Cali oo wadooyinka xaafada horseed lagu jiidayo iyada iyo 2 dumar ah oo kale. Jirdilka waxaa u dheer xabsi.

Waxaa sidaas sameynaya waa askar uu soo diray Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud iyo kooxdiisa maamulka Degmada Hodan oo ka mid ah kuwa sidii Eyihii loogu adeegsanayo gabood-faladda bulshada caasimadda.

Nasiib-daradu, waxay tahay in dowladda maanta ka jirta Muqdisho ay xabsiyada uga buuxaan haween iyo dad waayeel ah, kuwaas oo kaliya lagu haysto inay ka cabanayaan dhibaatada loo gaystay ee burburka nololeed ah.

Dareenka xannuunka leh ee eedadeey Ardo wuxuu calaamad u yahay sheekooyinka yaabka iyo naxariis darrada ah ee sida joogtada ah loogu hayo shacabka la barakiciyay.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey waxaa nidaamka Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud uu barakiciyey in ka badan boqol iyo afartan kun oo qoys.

Taasi, waa tiro aad u badan, waxayna hadda dadkaasi wajahayaan duruufo nololeed oo qalafsan, ilmahoodiina waa waxbarasho la’aan, taasoo halis ku ah soo kabashada bulshada keddib dhaawacyadii dagaalkii sokeeye.

Barakicinta bulshada danyarta ah waxay shacabka dhaxalsiisay kalsooni darro ay ka qaadeen dowlanimada iyagoo ciidanka ammaanka ee Muqdisho hadda u arka cadaw.

Waa naceyb laga shaqeeyay laakiin aan sinnaba sax u ahayn waxaana qof walba oo waxgarad ah uu la yaabanyahay sababta Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud shacabka uga adeejiyay ganacsato kooban oo manaxayaal ah.

Hadda, Muqdisho waxay qarka u saaran-tahay qarax bulsho oo halis ku ah jiritaanka dowladnimada jilicsan iyadoo waliba muddo xileedka Madaxwaynaha uu gabaabsi yahay, waxaana kaloo muuqda in shacabkii iyo nidaamkaani ay aad u sii kala fogaanayaan.

Madaxwaynoow halkaan ku jooji ka ilmeysiinta hooyooyinka iyo carruurta waana in ciidanka amar lagu siiso inay joojiyaan xariga, bahdilka iyo barakicinta danyarta, waxaana intaas keddib waajib kugu ah Magdhow Qaran, si dib u dejin loogu sameeyo qoysaska loo adeegsaday awooda maamulkaaga.

𝐐𝐚𝐥𝐢𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐖𝐞𝐫𝐢𝐲𝐞, 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐎𝐝𝐨𝐰𝐚.

Exit mobile version