Monday, September 15

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xilkii ka xayuubiyey wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada maamulkaasi, Cabdirisaaq Maxamed Maxamud.

Madaxweynaha ayaa wareegtada uu soo saaray ku sheegay in xilkan uu si KMG ah u heyn doono Liibaan Cabdi Maxamed oo ah wasiiru dowlaha wasaaradaasi.

Wareegtada ka soo baxday Galmudug laguma sheegin sababta keentay xil ka qaadistan, iyadoo dhinaca wasiirkuna uunan weli ka hadlin xilka laga xayuubiyey.

Waxaa la xasuustaa khilaafkii dhashay markii kal hore uu madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid uu xilkii ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi, Cabdi Waayeel, arrintaas oo sababtay isku dhac isaga iyo Madaxweyne Qoor Qoor.

Exit mobile version