Monday, September 15

(Hortabin Media) – Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa maalmihii ugu danbeeyey si joogta ah u booqanayey furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaanada laga saaray Al Shabaab.

Madaxweynaha oo wajahayey eeddo ku aaddan inuu xagal daacinayo dagaalka Al Shabaab, ayaa cadeeyey mowqifkiisa, wuxuuna weli ku sugan yahay furimaha hore ee dagaalka.

Waxgaradka iyo haweenka ku dhaqan Galmudug ayaa soo dhaweeyey go’aanka uu qaatay Qoor-qoor, kaas oo wax badan ka baddeli kara saameyntii ay Al Shabaab ku lahaayeen meelo ka mid ah Galmudug.

Qoor- qoor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku soo dhaweeyey Dhuusamareeb, oo uu ku sugan yahay iminka wax ka badan hal bil, isagoo halkaasi ka hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Gobollada Dhexe ee Soomaaliya waxaa waqtigan ka socda gulufkii ugu cuslaa ee Al Shabaab looga soo horjeedo, waxaana ciidamada ay gaareel ilaa iyo iminka guullo la taaban karo.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version