Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay sarkaal sare oo Iiraani ah, kaas oo sheegay in nuqulka ugu dambeeya ee heshiis is-afgarad ah oo ay ka wada xaajoonayaan Mareykanka iyo Iiraan uu ka kooban yahay qodobbo dhowr ah oo la xiriira arrimaha nukliyeerka, cunaqabataymaha iyo amniga marin-biyoodka gobolka.
Sida xogta la baahiyay lagu sheegay, Iiraan ayaa oggolaaneysa inay si degdeg ah dib ugu furto marin-biyoodka Hormuz dhammaan maraakiibta ganacsiga, halka Mareykankuna uu bilaabi doono qaadista go’doominta dhinaca badda ee dekedaha Iiraan, iyadoo tallaabadaasi ay dhaqan geli doonto marka la saxiixo heshiiska is-afgaradka, isla markaana si buuxda loogu dhammeystiri doono muddo 30 maalmood gudahood ah.
Qoraalka la sheegay ayaa sidoo kale tilmaamaya in Iiraan ay aqbali doonto inaanay soo saarin ama haysan hub nukliyeer ah, ayadoo inta laga gaarayo heshiis kama dambeys ahna, Tehran ay ilaalin doonto xaaladda hadda jirta ee barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadoo ka fogaan doonta kobcinta uranium-ka iyo ballaarinta xarumaha nukliyeerka.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa la sheegay inuu oggolaanayo in mustaqbalka laga wada xaajoodo qaab lagu dhimayo kaydka uranium-ka aadka loo kobciyay ee Iiraan ku jira, taas oo qayb ka noqon doonta heshiis dhammaystiran oo dambe.
Labada dhinac ayaa lagu wadaa inay muddo 60 maalmood gudahood ah ku dhammeystiraan wada-xaajoodyada la xiriira barnaamijka nukliyeerka iyo hawlaha kobcinta uranium-ka, iyadoo qodobadaasi lagu dari doono heshiiska kama dambaysta ah.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Mareykanku uu ka waantoobi doono saarista cunaqabatayn cusub inta ay wadaxaajoodyadu socdaan,haddii heshiis rasmi ah la gaarona, waxaa si tartiib tartiib ah loo qaadi doonaa dhammaan cunaqabataymaha ay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay saareen Iiraan, iyadoo lagu salaynayo jadwal ay labada dhinac ku heshiiyaan.
Qodobada kale ee la xusay waxaa ka mid ah in Mareykanku muddo cayiman ka qaadi doono Iiraan cunaqabataymaha dhinaca saliidda, taas oo u oggolaanaysa Tehran inay dhoofiso saliiddeeda isla markaana hesho dakhliga ka soo xarooda, ayadoo Sidoo kale, Mareykanka lagu wadaa inuu sii daayo hanti Iiraani ah oo la xayiray, taas oo lagu qiyaasay 25 bilyan oo doollar.
Ilaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay Washington ama Tehran oo si buuxda u xaqiijinaya qodobadan, hase yeeshee warbixinta Reuters ayaa muujinaysa in dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan ay socdaan si loo gaaro heshiis cusub oo dhex mara labada dal.
