Thursday, September 11

(Hortabin Media) – Soomaaliya ayaa libin ka soo hoysay in ay xubin ka noqoto ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo ka mid noqoshadiisa ay dadaal dheer ku bixisay dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay tallaabo ay hore u qaadeen Soomaalida, wuxuuna hambalyo u diray Dowladda Soomaaliya iyo shacabkaba.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in arrintan ay Soomaaliya ka caawineyso sidii ay dib ugu soo ceshan lahayd meeqaamkeedii qaranimo, kadib sanado badan oo uu dalku ku sugnaa dib u dhac.

Shalay ayey ahayd markii Soomaaliya ay ku guuleysatay xubinimadeedii ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kadib kulan ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tanzania oo xarun u ah ururka, halkaas oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Ka mid noqoshada Daladan ayey Soomaaliya u tahay fursad weyn, waxaana dalku uu helayaa suuq caalami ah, faa’iidoyin ganacsi, wuxuuna fududeyn doonaa caqabadii ka taagneyd isku socodka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey kulankan ayaa soo dhaweeyey tallaabada Soomaaliya loogu oggolaaday helida xubinimadeeda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo sida uu xusay uu dadaal ku bixinayey tan iyo sanadkii 2016-kii, waxeyna hirgashay sida uu xusay dib u doorashadiisii.

Dalkii 8-aad oo xubin ka noqda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayuu Soomaaliya noqonayaa, waxeyna daladan kula bahoobi doonaan dalalka Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, iyo Tanzania oo hore xubin uga ahaa (EAC).

Exit mobile version